Dhibaato laga soo sheegayo wadada isku xirta Marka iyo Muqdisho.
Muqdisho May 12,2013(SDN)-Shacabka ku socdaalada inta u dhaxeysa wadada dheer ee isku xirta magaalada Marka ee G-shabeelaha Hoose iyo Casimada Muqdisho ayaa ka cabanaya dad ku labisan dareeska ciidamada milateriga Somalia oo iyaga dhac dadkaasi ku haya.
Shacabkaasi qaarkod ayaa waxa ay lahadleen warbaahinta caasimada ku taala iyagoona shegay in marka marayaan wadadaasi ay dhac iyo garaac kala kulmaan ciidamadaasi.
Waxa ay baaq u direen wasarada arimaha gudaha dowlada Somalia in ay arimihaasi wax ka qabato.
Darawalada halkaasi iyagana ku socdaasha ayaa dhankooda shacabka laqaba dareenka noocaasi oo kala ah,lacago badan ayey shegen in looga qado jakboontiyada u yaala ciidamadaasi.