|

Golaha Wakiilada oo Maanta la Horgeeyay Mooshin ku Saabsan Xeerka Caasimada {DHAGAYSO}

Hargaysa 11.May (SDN)   Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Mudanayaasha Waxa ay Dhagaysteen Mooshin ay Golaha Hor Keeneen Qaar ka Mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada kaas oo Ujeedadiisu la xidhiidho Xeerka Maamulka Caasimada oo Mudo badan hor yaalay Aqalka Golaha Wakiilada .

Fadhigan Waxaa Shir Gudoominayay Ku Simaha Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax Waxaanu Gabo gabadii Sheegay in Xeerkan ay Mooshinkiisa Mudanayaashu keeneen uu yahay mid ay Xaq u leeyihiiin Goluhuna uu Gudo gali doono isagoo intaas ku daray in Maalinta beri ah Goluhu ansixin doono Xeerka Tiro koobka oo ka soo noqday Golaha Guurtida kadib markii ay ku sameeyeen Kaabis iyo Wax ka bedel.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/MOOSHIN11.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed