|

Wasiirka Cadaalada oo Furay kulan loogu magac daray Sixitaanka Siyaasada Qaran ee adeega Kaalmada Sharci {DHAGAYSO}

Hargaysa 11.May (SDN) Wasiirka wasaaradda cadaaladda ee JSL Md  Xuseen Axmed Caydiid ayaa maanta kulan labo maalmood socon doona laguna daahfurayo Sixitaanka  siyaasadda Qaran ee adeegga kaalmada sharci u furay xubno ka kala socda Ciidamada Asluubta, Booliska, ardada dhigata kuliyadaha sharciga ee jaamacadaha dalka iyo hawlwadeeno ka socday waaxda adeegga sharciga ee wasaaradda cadaaladda iyo garsoorka Somaliland.

Kulankan oo ku qabsoomaya Hutel Emprial ee magaalada Hargaysa  ayaa hadal uu furitaankiisii ka jeediyey wasiirka cadaaladda Somaliland waxa uu sheegay in hawsha ku saabsan adeega kaalmada sharcigu ay khusayso dhamaan hay’adaha intooda badan isla markaana ay cid waliba kaalin ku leedahay, waxana uu sheegay in kulankan la  isku weydiinayno waxa hay’ad walba uga meel yaalla arintaasi.

Md Caydiid wasiirka wasaaradda cadaaladda iyo Garsoorka Somaliland waxa uu tilmaamay inay lama huraan tahay in hay’adaha ay ka tirsan yihiin ka soo qayb galayaashu looga fadhiyo inay dib u eegis ku sameeyaan siyaasada hay’adooda iyo  waxa kaga jira qorshaha adeegga kaalmada sharci.

Dhanka kalena waxaa kulankaa ka hadlay hawlwadeen ka socday hay’adda UNDP, isagoo sharaxaad ka bixiyey kulankan iyo baahida ay Bulshadu u qabto toosinta kaalmada adeega sharciga, waxana uu ballanqaaday in Hay’ad ahaan ay dhinac taagnaanayaan barnaamijyada ku saabsan siyaasadda kaalmada adeeg ee dhinaca sharciga.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Sixitaankacadaalada.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed