|

Al Shabaab oo ka hadlay Shirka Soomaaliyeed ee ku soo dhamaaday Magaalada London

Muqdisho May 11 2013 (SDN)— Afhayeenka Ururka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere oo la hadlay Idaacada ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa wuxuu ka hadlay shirkii dhawaan kusoo dhamaaday dalka Uk ee looga hadlaaye arimaha dalka Soomaaliya.

Cali Dheere wuxuu sheegay in shirkaasi uusan waxba ka duwaneyn shirkii hore ee Uk ay uqabatay dalka Soomaaliya waxaana uu sheegay in dhamaan shirarkaasi dano gaar ah ay ka leeyihiin.

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sheegay natiijada kasoo baxday shirkaasi inay tahay mid aan waxba soo kordhineyn maadaama uu shirka yahay sida uu sheegay in dano gaar ah Uk ay kaga leedahay arimaha dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu soo hadal qaaday safaarada Uk ay dhawaan ka furutay Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya oo uu dhawaan furay William Hague oo ah xoghayaha Wasaarada arimaha dibada dalka Uk.

Safaaradaasi ayaa wuxuu ku sheegay inay tahay mid aan waxba ka jirin maadaama uu sheegay in Ingiriiska safiir uusan ka joogin gudaha dalka Soomaaliya safaaradana ay tahay mid magac ahaan looga furay Muqdisho.

SDN-Muqdisho

Comments are closed