|

Soomali loo haysto inay Shabab taageereen oo dacwadooda Maraykanka ka socoto

Washington May 11,2013(SDN)-Mas’uuliyiinta maxkamad ku taala magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka oo dhagaysanaya dacwad loo haysto 9 muwaadin oo Soomaali ah  ayaa sheegay inay wajahayaan xukuno adag todobaadkaan gudahiisa.

Soomaalidaan oo rag iyo dumar iskugu jira ayaa waxaa loo haysta dacwado ay ka mid yihiin dhaqaalo ururin ay u sameeyeen  Xarakadda Al-Shabab iyo ka dhaadhicinta dhalinyarada Maraykanka degen fikradaha inay dalka Soomaaliya dib ugu soo laabtaan oo ay williba ay Shabab ka bar bar dagaalamaan.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa ku waramaysa in 9 ruux ee Soomaalida ay dacwad oogayaashu ku eedeeyeen inay ka shaqeeyeen in dhalinyaro fara badan ay Shabab ku biiraan, dhaqaalo u ururiyeen iyo inay sameeyeen tageereen qorshe Shabab dhalinyaro loogu tababaray.

Dadka illa hadda ay warbaahinta Maraykanka xusayso ee maxkamadu xukumayso waxaa ka mid ah Max’ed Saciid Cumar oo ay dacwad oogayaashu leeyihiin muddo dheer ayuu ku hawlanaa taageerada Al-Shabab, Cumar Cabdi Max’ed iyo labo dumar ah oo la kala yiraahdo Aamina Faarax Cali iyo Xaawo Max’ed Xasan oo ay hay’adaha amaanka Maraykanka ay ku eedeeyeen inay Al-Shabab u soo direen lacag cadadkeedu dhanyahay, $8,600  intii u dhaxaysay September, 2008 illaa iyo July 2009,kii.

Dacwad oogayaasha qaarkood ayaa sooo jeediyay in labada dumar ah lagu xukumo Sodomeeyo Sano oo xarig ah inkastoo aysan arrintaas ka hadlin gudoonka maxkamada.

Soomaali fara badan ooo ku nool qurbaha ayaa dhibaato adag ku qaba hay’adaha amaanka wadamada ay joogaan kadib marka lagu eedeeyo inay Al-Shabab ama Al-Qacida la leeyihiin.

Comments are closed