“Soomaali Waa isku Mid Meel ay Joogtaba , Waxa lagu kala Duwan yahay Waa Dawladaha iyo Siyaasado” Suldaan Yuusuf Xiiray {DHAGAYSO}
Hargaysa 10.May (SDN) Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey oo ka mid ah Madax dhaqameedka Somaliland ayaa Maanta Baaq u Diray Madaxweynaha Maamul Goboleedka Punt land C.raxmaan Faroole kana Codsaday Inuu Si Odaytimimo ah Wax uga ka qabto dad u dhashay Somaliland oo ku Nool deegaamo ka tirsan Maamul Goboleedkaas,oo lagu hayo dhibaatooyin ay Cabashadoodu soo Gaadhay .
Suldaanka oo Maanta u Waramayay Qaar ka mid ah Warbaahinta Waxaa kale oo uu ka dalbaday inuu Madax weynaha Punt land ay Si toos ah Wax uga qabto dhibaato ay Tirsanayaan dad u dhashay Somaliland balse ku nool Maamul Goboleedkaas oo lagu hayo dhibaato xoogan oo ay ka mid tahay in Wixii denbi ah ee Meelaha ay ku nool yihiin ka dhaca in iyaga dusha laga saaro .
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/SuldaanXiirey.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbjoog.com