Q,M oo dalbatay in Soomaaliya lagu taageero dhaqan galinta nidaamka federalka
New York May 10,2013 (SDN)-War saxaafadeed uu soo saaray ku xigeenka xog’hayaha guud ee Q,M Jan Eliasson waxaa uu ku sheegay in beesha caalamka looga fadhiyo taageero rasmi ah oo lagu taageerayo dawlada Soomaaliya ee uu M/weynaha ka yahay Xasan Sh, Max’ud.
Sarkaalkaan Q,M ka tirsan waxaa uu xusay in Soomaaliya ay xilligaan u baahan tahay taageerada beesha caalamka si ay uga dhabayso dadaalka ay ugu jirto in dalka lagu xasiliyo.
Jan Eliasson waxaa uu war saxafadeedkiisa ku sheegay in M/weynaha Soomaaliya Xasan Shiikh uu u baahan yahay in gacan laga siiyo gaarsiinta maamulka dawladnimo gobolada dalka oo dhan iyo wanaajinta xiriirka ay dawllada Soomaaliya la leedahay dawladahay caalamka gaar ahaan kuwa gobolka
‘M/weyne Xasan Shiikh waxaa uu wadaa dadaal uu ku doonayo in Soomaaliya oo dhanuu wada gaarsiiyo nidaamka dawladnimo si nimaadmka Fedaralka ooo wanaagsan dalka loogu baahiyo” ayuu yiri Jan Eliasson ku xigeenka xog’hayaha guud ee Q,M.
In la wanaajiyo xiriirka ka dhaxeeya dawlada Soomaaliya iyo wadamada dariska la ah gaar ahaan Ethiopia iyo Kenya ayaa waxaa uu ku tilmaamay inay ahmiyad gaar ah u leedahay hormarka Soomaaliya.
“Soomaaliya ay xiriir wanaagsan la sameeysato dawladaha dariska la ah waa u muhiim waxaana ay wax badan ka taraysaa dadaalka lagu doonayo in dalka lagu hormariyo iyo xataa arrimaha amaanka ee gobolka” ayuu yiri sidoo kale Jan Eliasson.