|

Muxuu Daaran yahay Socdaalka Wefti ka Tirsan Dawlada Itoobiya oo Safar ku Jooga Somaliland

Hargaysa 28.April (SDN) Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha dibada iyo xidhiidhka caalamiga ah Md, faysal Cali sh. maxamed ayaa maanta ka war bixiyey ujeedada socdaalka wafti balaadhan oo ka socda wadanka itoobiya oo hargaysa kaga qayb galaya kulan ay la yeelanayaan masuuliyiinta hay’adaha dawliga ah qaarkood.

Md,faysal cali sheikh oo maantala hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay in maalmahan u danbeeyey ay dalka joogeen wafti balaadhan oo ka socda wadanka itoobiya kuwaas oo ka qayb galaya Shir maalinta berri ah ka furmi doona huteel  ambasadoor, shirkaasi oo daba socda shir dabayaaqadii bishii Novembar magaalada Dirir-dhabe  oo ay masuuliyiin labada dal ka kala socday ku yeesheen, kaasi oo  ku saabsanaa is-kaashiga labada dal.

Wafdigan ka socday dalka Itoobiya oo ka kooban 12-xubnood ayaa waxa ay ka kala socdaan wasaaradaha: Arimaha dibadda, Ganacsiga, Maaliyadda, Gaadiidka, Wadooyinka,wax-barashada,biyaha, Hay’adda arimaha dikadaha  ee dalka itoobiya iyo masuuliyiin ka socda Kilinka shanaad ee itobiya. Dhinaca Somaliland-na waxa shirkaasi uga qayb geli doona ,masuuliyiin ka kala socda,Wasaaradaha:,Howlaha-guud, wax-barashada, maaliyada, dekedda berbera,  iyo Baanka Somaliland.

Shirkan ayaa waxa lagu sii am-baqaadayaa qodobadii ka soo baxay shirkii hore ee magaalada dirir-dhabe,oo ku  wajahnaa dhinactyada,Nabadgelyada, Isu socodka Ganacsiga iyo kor-u-qaadka dhaqaalaha labada wadan, iyo sidii ay dawladda itoobiya  ay wax ugala soo degi lahayd Dekedda berbera, Iyada oo qayb ka mid ah wafdiga itoobiya  oo ka soo degay magaalada Berbera waxa ay soo  mareen dekedda berbera, iyaga oo u dhaba galay hanaanka ay u shaqayso dekeddu.

Shirkan ayaa waxa uu socon doonaa muddo laba maal-mood ah,iyada oo go’aamada ka soo baxa shirkana ay  kulan danbe  madaxda labada dal  ku saxeexi doonaan.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed