Raashin Mucaawimo ah oo la Gaadhsiiyay Gobolka Sool,Qaybna ka ah Deeqdii Dawlada Turkiga
Laascaanood 28.April (SDN) Gudoomiyaha Gobolka Sool Maxamed faarax oo uu weheliyo Maayirka Magaalada Laas-coodC/qaadir Jaamac ayaa maanta la wareegay saamiga Gobolka Sool uu ka helay Raashinka mucaawinada ah ee dalka turkigu ugu deeqay Dalka somaaliland.
Gudoomiyaha Gobolka Sool oo Gudoonka Deeqdaasi ka hadlay ayaa waxa uu uga mahad celiyey Xukuumadda Somaliland sida wanaagsan ee Deeqdaqasi Raashinka ah loo soo gaadhsiiyey Saamigii uu ka helay Gobolka Sool.
Gudoomiyaha Gobolka Sool waxa kale oo uu sheegay ,in deeqdan Raashinka ah la gaadhsiin doono dhammaan tuulooyinka iyo magaalooyinka Gobolka Sool, qaybinta Raashinkaasina ay u saareen Guddi ka kooban Culimada, wax-garadka iyo masuuliyiin heer Gobol iyo heer degmo ah.
Mud, Maxamned Faarax Gudoomiyaha Gobolka Sool waxa uu dadweynaha Gobolka ugu baaqay inay si wanaagsan uga qayb qaataan habsami u qaybinta raashinkaasi deeqda si ay u gaadho dadka dan yarta ah ee loogu tala galay, Raashinkan caawimada ah ayaa waxa Gobolka Sool saami ahaan uu ka helay todoba boqol oo tan ioo isugu jira sonkor iyo daqiiq.
Laascaanood SDN.
Qurbejoog.com