|

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Garoowe Gaaray Kulana La Qaadanaya Faroole

Garoowe April 28 2013 (SDN)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi sare oo uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa ka anbabaxay Garoonka Muqdisho, isagoo ka yimid Magaalada Mombasa oo uu shalay kula soo kulamay dhigiisa Kenya Mr Uhuro Kenyatta.

Wafdiga Madaxweynaha uu hogaaminayay ayaa markii ay gaareen Madaarka Magaalada Garoowe waxaa ku soo dhaweeyay Madaxweyne C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole.

Xasan Sheekh iyo Faroole ayaa si kooban isugu wareystay Garoonka diyaaradaha waxaana ka dib loo galbiyay Madaxtooyada Puntland, iyadoo inta uu u sii socday Madaxtooyda Puntland uu wada ku sii salaamay dad badan oo soo dhaweyntiisa isugu soo baxay.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya iyo Faroole ayaa hada kulan uu uga soconayaa dhismaha Madaxtooyda Puntland ee caasimada gobolka Nugaal, waxaana la filayaa wada hadalada kaddib in uu booqdo Madaxtooyda cusub ee maamulkaasi uu sameystay.

SDN-Garoowe

Comments are closed