|

Maxaa ka soo baxay Wada hadaladii Kenyatta & Hassan Sheek ee ka dhacay Mombassa? Aqriso Warbixin

Mombasa April 28 2013 (SDN)— Ka dib Kulan si wada jir ah ay u wada qaateen Madaxweynaha dalka Soomaaliya iyo dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenyati,ayaa waxay kaga arinsadeen sidii loo xoojin lahaa xariirka labada dal,iskaashi laga sameeyo la dagaalanka waxay ugu Magacdareen Argagixisada,iyo waliba habka ugu sahlan ee qaxootiga Soomaaliyeed dib loogu soo celin karo dalkooda hooyo.

Halka Kulanka uu ka dhacay oo ahayd Magaalada Monbasa ee dalka Kenya,ayaa ugu horeyn waxaa Madashada Kulanka ka hadlay Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyati,isagoona ku nuux nuuxsaday arimo badan oo Quseeya Soomaaliya iyo Kenya,wuxuuna si weyn u xoojiyay in la iska kaashado la dagaalanka Al-shabaab.

“Beesha caalamka waa inay diirada saartaa dagaalka lagula jiro Kooxaha Argagixisada,iyo sidii xasilooni looga dareemi lahaa deegaanada laga saaro Al-shabaab,si loogu sameeyo Maamulo hoostaga Maamul goboleedyada,iyadoo loo eegayo Dastuurka dowlada u degsan,si loogu hirgiliyo xasilooni horseeda Nabad iyo barwaaqa.

Sidoo kale aniga iyo Mdaxweynaha Soomaaliya waxaan isku raacnay heshiisyo Labad geesood ah,oo aan ku xoojineyneyno xariirka Labada dal,waxaana inta badan shacabka ay yihiin kuwo aan daneyneyo aragtidooda.

Waxaan isla meel dhignay doorka Muhiimka ee Igad ay ka qaadaneyso xasilinta dalka”.

Sidoo kale Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa hadalkii qaatay,isagoona cadeeyay in Soomaaliya haatan ay sameyneyso ay u baahan tahay taageero kaga imaata beesha caalamka iyo wadamada Deriska gaar ahaan dowlada Kenya inay sii kordhiso caawinaada soomaaliya ay siineyso.

Xasan Sheekh Maxamuud oo hadaladiisa dhinacyo badan taabanayay ayaa qiray in la joogo waqtigii qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Kenya dib ugu Soo laabam lahaayen dalkaooda hooyo,wuxuuna dhan kale Kenya ka dalbaday in la tirtiro Fikrada Al-shabaab oo uu sheegay inay fideyso.

“in laga hortago fiditaanka Fikirka qaldan ee Al-shabaab ay ka leeyihiin dalka Soomaaliya,Sidoo kale waxaan ka wada hadalnay Baahiyada ku aadan in qaxootiga Soomaaliyeed ay u baahan yihiin inay dib ugu soo laabtaan wadankoodii hooyo oo xasilooni laga dheehanayo.

Waxana rabaa anigoo fyrsataan ka faa’ideysanayo inaan Madaxweynaha Kenya aan la socodsiiyo inuu jiro shir lagu wado inuu ka furmo London,kaasi oo aan rajenayo inuu wax miro dhal ah ay ka soo bixi doonaan.

Sidoo kale waxaan isku raacnay in deegaanada dalka Soomaliya laga ilaaliyo caqabad kasta oo ku aadan rabshado,islamarkaana keeni karo falal argagixisanimo si looga taqaluso Kooxaha dowlada ka soo horjeeda”.

Madaxweynayaasha oo kulankooda ahaa sidii Labada dalka u xoojin lahaayeen xariirka ka dhaxeeya ayaa hadana waxay isku afgarteen qodobo kale oo dhowr ah,kuwaasi oo dhamaantood xoojinaya amaanka labada dal.

Waana Kulankii ugu horeeyay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ay ku yeesheen Magaalada Xeebeedka Monbasa ee dalka Kenya,iyadoo ay tahay markii Labaad oo Labada Madaxweyne ay kulmaan.

SDN-Mombasa

Comments are closed