In Kabadan 10-qof oo ku dhintay Dagaal ka dhacay Xabsi ku yaalla dalka Mexico
San Luis Potosi April 28 2013 (SDN)– Ugu yaraan 13-qof ayaa ku geeriyooday dagaal u dhexeeyay Maxaabiis oo ka dhacay xabsi ku yaalla gobolka San Luis Potosi ee bartamaha dalka Mexico.
Saraakiisha Amaanka xabsigaasi ayaa sheegay in koox xabsiga ku jirtay oo midiyo la farsameeyay wadatay ay weerareen koox kale oo ay xabsiga isla jireen islamarkaana ay halkaasi ka geysteen dhibaato dharan.
Wakaalada Wararka ee AP ayaa ka soo xigatay saraakiil Mexico ku sugan in laga yaabo tirada dadka wax ku noqday dagaalka ka dhacay xabsiga kuyaalla bartamaha dalkaasi ay sii kordhi karan.
Ma ahan markii ugu horeeyay oo dhibaato ceynkaani oo kala ah ay ka dhacdo xabsiyada ku yaalla dalka Mexico oo ay ku xiranyihiin kooxo ku eedeysan in ka ganacsanayeen daroogo iyo waxyaabo kale.
SDN-San Luis Potosi