Madaxweynaha Algeria oo xaalad caafimaad loogu qaaday dalka faransiiska
Paris April 28 2013 (SDN)— Madaxweynaha dalka Algeria Abdelaziz Bouteflika ayaa loo duuliyay Isbital ku yaalla Magaalada Paris ee dalka Faransiiska halkaasi oo la doonayo in lagu soo daweeyo.
Wakaalada Wararka Rasmiga ah ee dalka Algeria APS ayaa soo warisay in madaxweynaha Maskaxda Dhiig kaga furmay sidaasi darteedna loogu qaaday Magaalada Paris ee dalka Faransiiska.
Madaxweynaha Algeria ayaa la dhigay Isbitalka Milatariga ee Val de Grace oo intabadan la daweeyo Mas’uuliyiinta iyo dadka magaca sare leh.
Abdelaziz Bouteflika, Madaxweynaha dalka Algeria oo 76-sano jir ah ayaa goob fagaara ah lagu arkin intii muddo ah, waxaana jiray warar la isla dhex marayay oo ku aadanaa xaaladiisa caafimaad.
SDN-Paris