Kulankii Madaweyne Axmed Siilaanyo ee Attlantic Counsel iyo cidii soo casuuntay Taageereyaashii Khaatumo State
Washington April 28,2013(SDN)-Kulan dhawaan ka dhacay Xarunta Attlantic Councel ee dalka Mareykanka ayaa waxa khudbad taarikhi ah ka jeediyay Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo.
Khudbadii madaxweynaha ka dib ayaa waxa loo galay suaalo ay ka qeyb galayaashii kulanku weydiinayeen madaxweynaha iyo madaxdii kale ee ka tirsaneyd wefdiga Somaliland.
Dadkii isu sare taagay suaalaha ayaa waxa ka mid ahaa dhawr ruux oo Somaliland oo qaarkood ay suaallo caadifadeysan weydiiyeen madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Suaalaha waxa ka mid ahaa qaar ay soo bandhigeen taageereyaal ka socdey khaatumo oo dad badani isweydiiyeen sida kulanka loogu soo casuumay.
Baaritaano aanu sameynay ka dib waxa qurbejoog.com/somalidiasporanews.com u soo baxay in safiirka Somaliland ee Washington Rashiid Gaaruf ay ka timi casuumadaasi.
Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Mareykanka ayaa xogtu tibaaxeysaa in caailadissu u fududeysay in taageereyaasha Khaatumo arbushaan kulankii Attlantic Counsil.
Ma cada waxa wefdiga madaxweynuhu ka yeeli doonaan arintan fadeexada ku noqotay safarkii madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo wefdiga uu hogaaminayo ay Mareykanka ku yimaadeen.
SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com