|

Hanti Dhawraha Guud ee Qaranka oo ka Warbixiyay Hawl gal baadhis ah oo ay ku sameeyeen Waaxda Cashuuraha Bariga ee Wasaarada Maaliyada ee Magaalada Berbera

Hargaysa 27.April (SDN).  Hanti Dhawraha Guud ee Qaranka Md. Maxamuud Aw Cabdi ayaa   maanta  sheegay in ay soo afjareen baadhis ay ka wadeen  waaxda cashuuraha  bariga  wasaarada maaliyada ee magaalada BerBera.

Baadhistan ayaa  hanti dhawraha guud waxa uu ku tilmaamay in ay la xidhiidhay a  habdhaqan lagu lunsanayay cashuurta dawladda iyada oo la bedalayo dhokumentiga cashuur qabashada, laguna been abuuray rasiidho lacag qabasho oo aan jirin .

Hanti dhawraha guud oo warbaahinta ugu waramayay magaalada Hargeysa waxa uu intaa ku daray in talaabadan ay ku kaceen hawlwadeeno ka tirsan xafiiska  cashuuraha bariga ee magaalada Berbera  kuwaas oo  ku takrifaly habka dakhli qabashada  isla markaana iswaydaariyay  rasiidhada lacag qabashada iyaga oo samaystay rasiidho been abuur ah oo aan jirin, kuwaas oo hoos loogu dhigayo dakhli cashuureedka , habkaas oo uu hanta dhawruhu sheegay in ay ku lunsadeen lacag adag oo dalka usoo xaroonlahayd.

Hanti dhawraha guud ee qaranka  md.Maxamuud Aw Cabdi ayaa ku tilmaamay arintan  hab been abuur ah oo dakhliga soo xaroonaya iyo cashuurta dadweynaha laga qaaday uu farqi aad u wayni  ka soo baxay.

Hanti Dhawraha guud waxa uu gabagabadii sheegay in xubnihii falkan  ku lugta lahaa  kuwii ugu mihiimsanaa gacanta lagu dhigay  iyada oo wajiga labaad ee baadhistana la sii amba qaadayo..

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed