|

Dagaal qasaaro geystay oo maanta ka dhacay degmada Balcad

Balcad April 27 2013 (SDN)— Dagaal u dhexeeya Ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay Magaalada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Wararka ka imaanaya Magaalada Balacad ee gobolka Sh/dhexe ayaa waxa ay ku warmayaan in dagaal xoogan oo qasaaro geystay uu maanta halkaasi ka dhacay.

Dagaalka ayaa bilaawday kaddib markii ciidamo Milatari ah oo taageersan guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe ay weerareen Magaalada Balcad halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo taabacsan guddoomiyaha balcad oo xil ka qaadis lagu sameeyay.

Dad goobjoogayaal ah oo aan la xiriirnay ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu qasaaro badan soo gaarsiiyay dadka rayidka ee degmadaasi ku nool inkastoo aan la xaqiijin karin qasaaraha dhabta ah.

Wali macadam cida sida rasmiga ah gacanta ugu heysa Magaalada Balcad ee gobolka Sh/dhexe, laakiin dad magaalada ku sugan ayaa sheegay in wali ciidamadii hore ay ku sugan yihiin.

SDN—Balcad

Comments are closed