|

Ethiopia iyo Soomaaliya Oo la sheegay in khilaaf uu ka dhexeeyo

Washington April 27 2013 (SDN)— Matthew Bryden oo ah Madaxa Hay’adda Cilmi Baarista Sahan oo ka howlgasha Geeska Africa oo la hadlay Idaacadda VOA-da ayaa waxa uu sheegay in uu jiro khilaaf baahsan oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia kaasi oo salka ku haya maamul u sameynta Jubooyinka.

Madaxa Hay’adda Cilmi Baarista Sahan ayaa tilmaamay in labada dhinac Muqdisho iyo Addis Ababa ay isku fahmi waayeen  sida loo wa jahayo maamul loo sameeyo Jubooyinka, waxaana uu xusay in dowladda Soomaaliya aysan ku qanacsaneyn sida ay waxa u wadaan IGAD iyo Ethiopia.

Matthew Bryden waxaa uu sharaxay in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu u tagay Addis Ababa sidii uu u xalin lahaa khilaafka jira laakiin aysan u suuroobin in wax ay u hagaagaan.

“Xiriirka ka dhexeeya labada dhinac waxa ka muuqanaya xiisad sareeyasa waxana taasi cadeyn u ah sida ay ciidamada Ethiopia uga baxeyn meelo ay horay gacanta ugu hayeen, Ethiopia maheysato dhaqaalo ciidamadeeda ay ku sii joogaan Soomaalia waana taas mida keenta in ay dhibsato sii joogida Soomaaliya.” Sidaasi waxaa yiri Matthew Bryden.

Madaxa Hay’adda Cilmi Baarista Sahan ayaa sidoo kale ka hadlay xiisada hada ka taagan Kismaayo iyo xiriirka ka dhexeeya Bare Hiiraale iyo dowladda Ethiopia.

Waxa uu tilmaamay in aanu jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya qabqablihii hore ee Kismaayo ka talin jiray Bare Aadan Shire Bare Hiiraale iyo dowladda Ethiopia ee uu hogaamiyo Hailemariam Desalegn.

Lama oga khilaafka Xukuumadaha Muqdisho iyo Addis Ababa hada ka dhexeeya saameynta uu ku yeelan doono Maamul u sameynta Jubooyinka.

Comments are closed