|

K/waqooyi oo Maxkamad soo taageysa Muwadin u dhashay Wadanka Maraykanka

Pyongyang April 27 2013 (SDN)– Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa maxkamad soo taageysa Muwaadin u dhashay  wadanka Maraykanka kaasi oo loo heysto danbiyo kala duwan.

Wakaalada Wararka Rasmiga ah ee Kuuriyada Waqooyi KCNA ayaa sheegtay in Muwaadinka Maraykanka ah ee Maxkamada la soo taagayo loo heysto danbi ah uu maleegayay falal ay uu ku afganbinayo Xukuumada hada ka talisa dalkaasi.

KCNA ayaa sheegtay in Ninkan lagu Magacaabo Pae Jun-Ho marka uu joogo K/waqooyi halka Maraykanka loogu yeero Kenneth Bae, waxaana ay intaasi ku dartay in uu diiday danbiyada loo heysto.

Maxkamadeynta Ninkan ayaa waxa ay imaaneysaa xilli xiisada u dhexeysa Xukuumadaha Pyongyang iyo Washington ay cirka isku sii shareerayso.

SDN-Pyongyang

Comments are closed