|

Safarka Wefdiga Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee Mareykanka Guul ka dhalatay Qurbejooga oo loo dhego nuglaaday

Washington April 27,2013(SDN)-Wefdi Balaaran oo uu hogaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa todobaadkan booqasho ku tegay dalka Mareykanka.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa intii uu safarkan ku gudo jiray waxa u suurto galay kulamo iyo heshiisyo muhiimad gaara u leh dalka.

Safarka Madaxweynaha oo ay wada jir uga shaqeeyeen shirkad Xukuumada Somaliland dhawaan heshiis la gashay iyo xubno aqoonyahana oo dalka Mareykanka mudo ku sugnaa ayaa guulo muhiima soo hooyay.

Xukuumada Somaliland ee madaxweyne Siilaanyo ayaa dhaleeceynta ugu badan ee loo jeedinayay intii ay xilka heysay waxa ka mid ahaa in aaney la tashan dadka dalka u dhashay ee mustaqbalka wanaagan la doonaya.

Xukuumada Somaliland ee haatan ayaa hore isugu muujisay in aaney cid aan iyada aheyn talada dalka waxba laga weydiineyn.

Safarkan Mareykanka ayaa ah miro dhalay ka dib kolkii markii u horeysay sy xukuumadu qaadatay talo wax ku oola oo ka timi aqoon yahanka dalka.

Shirkada Glover Park Group oo haatan ka sheqeysa sidii qadiyada Somaliland looga iibin lahaa Mareykanka ayaa waxa xiriirkeeda soo xiray aqoonyahan uu ka mid yahay CabdiAziz Diriye.

SDN-Washington

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed