Shir ay iskugu yimaadeen Beelwaynta ciidagale ee ku dhaqan wadanka Uk ayaa ka dhacay Galbeedka London
London 23April (SDN) Shir ay iskugu yimaadeen Beelwaynta ciidagale ee ku dhaqan wadanka Uk ayaa maanta ka dhacay caasimada Wadanka Uk, shirkan oo ay ka soo qayb galeen dhamaan gobolada wadankani uu ka kooban yahay ayaa lagu lafa guray qodobo ka hadlaya Horumarka beesha sida Waxbarashada ,Cafimaadka, Wadadda Cad, Dhakhtarka Sallaxley iyo xaalada Kilinka Shanaad.
Shirkan Maanta La Iskugu yimid Waxa goob joog ahaa Maayerkii hore ee Caasimada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Xuseen Mahamuud Jiciir oo ka war bixiyey xaaladda guud ee wadankeeni hooyo Ku Suganyahay Waxaanu ka warbixiyey wadaddii Cadayd halka ay marayso isaga oo sheegay in wajigii labaad ee wada la gudo-galay howshuna ila hada sifiican u socoto.
Waxaa Kale oo isna madasha ka hadlay ganacsade ismaaciil cago-weyne kana mid ah guddida dhismaha wadadda cad wuxuuna ka warbixiyey halka ay howshu marayso iyo waxa ila hada u qabsoomay. waxa kale oo uu ku gubaabiyey dhamaan dadweynihii kasoo qayb galay shirka sidii looga wada qayb qaadan lahaa dhismaha wadadda cad.
Waxaa sidoo kale iyana madasha ka hadashay gudoomiye ku xigeenka garabka
haweenka ee ururka gaaroodi marwo Aasiya jamac oo ka hadashay xaalada dhakhtarka sallaxley halka uu maraayo iyada oo sheegtay in dayrka oo keliyaata uun u hadhsanyahay dhakhtarka isna hada gacanta lagu hayo sida ugu dhakhsaha badana loogu dhamaystiri doono.
Waxaa kaloo isna madasha ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Gaaroodi Deeq Cabdi Digale oo ka war bixiyey mudadii uu xilka hayey waxiii u qabsoomay iyo waxa ay hiigsanayaan isaga oo kula dardaarmay dhamaan marti sharaftii inay iska kashadaan waxtarka iyo isku xidhnaanta beesha :
gorfeyn badan ka bacdi waxa laysla qatay in shirwayne loo dhanyahay la iskugu yimaado taas oo fikradeedana ay lahaayeen garabka haweenka ee ururka Gaaroodi taas oo dhamaan marti sharaftii soo dhaweyeen .gabagabadii waxa soo gunaanaday guddoomiyaha Guddidda beesha Mudane Abokor Maxamed Ismacil oo uga mahad celiyey dhamaan marti sharaftii ka soo qayb gashay shirka isaga oo sheegay in dhawaan la iclaamin doono wakhtiga shirka la qabanaayo.
kala soco goorta iyo goobta lagu qaban doono shirkan shabakada caalamiga ah ee qurbejoog.com