Hablo Suxufiyiin ah oo Hargaysa Tababar uga Furmay iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta oo ka hadlay {DHAGAYSO}
Hargaysa 22.April (SDN) Ururka suxufiyiinta haweenka ee Wija ayaa maanta tobabar uga furay hotelka Imperial ee magaalada Hargeisa shan iyo toban hablood oo ka hawlgala warbaahinta kala duwan ee dalka
Kulankan oo uu soo qaban qabiyey ururka suxufiyiinta haweenka ee wija ayaa waxa ka qayb galay Agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta md’C/rashiid Jibriil Yuusuf , Madaxa Mashariicda Ururka Wija Ayaan C/risaaq Jaamac , Agaasimaha Ururkaas Fahma Yuusuf Ciise iyo macalimada tobabarka bixinaysay Shukri Xariir Ismaaciil .
Ugu horayn waxa tobabarka hadal koban ka jeedisay Agaasimaha Ururka saxafiyiinta Haweenka ee wijaFahmo Yuusuf Ciise oo ka war bixisay ujeedada tababarkan oo ay sheegtay in uu yahay tababar u gaar ah hablaha ka hawlgala warbaahinta kaasi oo ah tababar sare oo ku saabsan habka tifaftirka.
Agaasimaha wija wxa ay intaa ku dartay inay jirto baahi dhinaca aqoonta tafatirka ah ee hablaha warbaahnita ka shaqeeya isla markaana ay rajaynayso in tababarkani wax ka tari doono.
Dhanka kalana Agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta , dhaqanka Iyo Wacyigalinta mudane C/rashiid Jibriil Yuusuf oo furitaankii tababarkaas ka hadlay ayaa ku tilmaamay hablaha ka hawlgala warbaahinta inay muu jiyeen dadaal iyo fir fircooni Dheeraada.
Agaasimaha guud waxa uu sheegay in hablaha ka hawlgala warbaahintu yihiin kuwa ugu khaladaadka yar marka la Bar bardhigo hawlwadeenada kale qalab ku filana aanay haysan balse ay muujiyeen dadaal wuxuna xusay in saxafiyiinta looga baahan yahay inay aqoon dheer u yeeshan mihnada ay ka shaqeeyaan oo ay lagama maarmaan u tahay xirfadooda sida shurucda saxaafada iyo technologyada oo maalinba maalinta ka danbaysa isbadal ku imanayo .
Halkan Guji si aad u dhagaysato Hadalka Agaasimaha Guud[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/DG(1).mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com