|

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka oo furay Aqoon Korodhsi ku saabsan Adeega Bixinta Talaalka

Hargaysa 22.April (SDN)   Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Cabdi Axmed Nuur ayaa maanta Xarunta Machadka Culuunta Caafimaadka ee Magaalada Hargaysa waxa uu ka furay Tababar ku saabsan adeega Bixinta Talaalka.

Tababarkan oo ay ka qayb qaadanayaan Hawl wadeenada Caafimaadka ee Gobolka Maroodi jeex ayaa ka kooban talaalka Kixda,Kojisada,Oofwareenka,Marajaajiska iyo Joonis cadka.

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Guud ee Wasaarada Caafimaadka Dr Cali Sheekh ayaa kula dardaarmay Xubnaha ka soo qayb galayaashu inay ka faa’iidaystaan duruusta ay ku qaadanayaan tababarkan.

Marwo Aasiya Cismaan oo ah Madaxa Hay’ada WHO Xafiiskeeda Somaliland ayaa tilmaamtay in talaalku yahay Fursad ay haboon tahay inay ka faa’iidaystaan bulshadu .

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Cabdi Axmed Nuur ayaa ku baaqay inay Shacabku fahmaan in talaalku uu yahay ka hor taga Cudurada Dilaaga ah waxaanu ku adkeeyay hawl wadeenada caafimaadku inay Sida ugu haboon u fuliyaan hawlgalkan marka uu bilaabmo.

Talaalkan oo loo qorsheeyay inuu dalka ka bilaabmo 24ka bishan April ayaa noqonaya kii u horeeyay ee uu Ku jiro Cudurka Jooniska .

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed