Ra’iisal Wasaaraha oo cambaareeyay dilkii Allaha u naxariiste Wariye Maxamed Ibraahim Raage kana tacsiyeeyay
Muqdisho, Abriil 22, 2013…… Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa si kulul u cambaareeyay dilkii foosha xumaa ee loo gaystay Wariye Maxamed Ibrahim Raage oo koox hubaysani ku dileen dagmada Dharkeynley shalay, Wariyaha ayaa ka mid ahaa suxufiyinta Telefeshinka iyo Idaacadda Qaranka Soomaaliyeed.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy qoyskii, iyo qaraabadii wariyaha asagoo sidoo kale u tacsiyeeyay bahda saxaafadda Soomaaliyeed gaar ahaan asxaabta Telefeshinka iyo Idaacadda Qaranaka ee uu wariye Maxamed Ibrahim la shaqaynayay.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku tilmamay falkaas mid naxariis daro oo aan loo nisbayn karin Diinta Islaamka isla markaana aan raad ku lahayn dhaqanka Soomaaliyeed.
Waxaana uu ku celiyay balanqaadkii dawladdu ay ku bixinaysay abaal-marinta dhan $50,000 (kontanka kun oo Doolar) ee ku aadanayd soo gacan-galinta iyo soo gudbinta xogta la xiriirta dambiilayaasha bartilmaameedsada suxufiyiinta Soomaaliyeed.
” Waxaana uu cadeeyay in ay dawladdu la dagaalami doonto kuwa gumaadka ku haya dadka maskaxda iyo xoogga fiyow ee Soomaaliyeed.