China: Korodhka khasaaraha Dhul-gariir xooggan oo ku dhuftay iyo Madaxweyne Xi Jinping oo amar culus ka soosaaray wax-ka-qabashada masiibadaas
BEIJING April, 21 2013 (SDN/VOA)- Tirada dhimashada ee uu sababay dhul-gariir xooggan oo Sabtidii ku dhuftay gobolka Sichuan ee Koonfur-galbeed dalka Shiinaha, kaasoo ay ku dhinteen inka badan 200 qof, dad kor u dhaafaya 10,000 qof ku dhaawacmeen.
Siday ku warantay wakaalada wararka Shiinaha ee Xinhua, Madaxweyne Xi Jinping waxa uu amar ku bixiyay in la qaado talaabooyin kasta, si loo samata-bixiyo, loona yareeyo khasaaraha ay masiibadaasi dhalisay.
Masuuliyiinta Shiinuhu waxay ku tilmaameen in cabirkiisu ahaa 7.0-magnitude ee heerka dhul-gariirka, halka laanta Sahanka Hawada ee Maraykanku ku sheegtay mid awoodiisu ahayd 6.6.
Sawiro hawada ah oo ay Milateriga Shiinuhu qaadeen, laguna baahiyay Telefishanka dawladdu waxay muujiyeen khasaaraha dhismayaasha ee uu dhul-gariirku sida xun u baabi’iyay.
Warbaahinta dawladdu waxay ku warantay inuu si xun u hirdiyay qaybo badan oo ka mida deegaanka Lushan, halkaasoo aan wado lagu gaadhi karin, isla markaana ay go’an yihiin isgaadhsiinta telefoonadu. Siday Xinhua sheegtay, dhul-gariirku wuxuu sidoo kale dhalan-gediyay dhismeyaal ku yaala caasimadda gobolkaas ee Chengdu, taasoo 115 km dhinaca bari ka xigta.
Dhacdadani waxay dib u soo celinaysaa xusuus murugo leh gobolka Sichuan oo kasoo kabtay dhul-gariir sannadkii 2008 dhacay, kaasoo dilay inka badan 70,000 [todobaatan kun] oo dad ah.
Raysul-wasaaraha Shiinaha Li Keqiang ayaa u duulay gobolka, si uu u kormeero dedaalada dhinaca caawimada.
Dhinaca kale, kooxaha badbaada ayaa ku hawlan sidii ay u samato-bixin lahaayeen oo ay u heli lahaayeen dad ka badbaaday oo burburka dhismeyaasha ku hoos jira. Sidoo kale, waxa si xooggan u socda dedaalada lagu caawinayo dadka guryahoodu burbureen ee banaanka jooga, si looga taageero gargaarada degdega ah ee ay u baahan yihiin.
Qurbejoog.com, Beijing