Dalada Sonyo oo Taageertay Wada Hadaladii Somaliland iyo Somalia iyo Nuxurka Tallo Soo Jeedin ay Sameeyeen
Hargaysa 21.April (SDN) Warsaxaafadeed ka soo baxay Dalada Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo kuna Saxeexan yahay Gudoomiyaha Daladaasi Mubaarik Ismaaciil Taani ayaa Cadeeyay inay Taageersan yihiin Wada hadaladii ay Yeesheen Labada dal ee Somaliland iyo Somalia isla markaana u soo Jeediyay Xukuumad,Golayaal iyo Dawladba inay Meel uga soo Wada jeedaan Himilada uu Qarankani higsanayo .
Warsaxaafadeedkan oo dhamaystiran ayaa u dhignaa Sidan:- Dallada dhalinyarada Heer Qaran ee Jamhuuriyada Soomaaliland ee SONYO iyadoo ka duulaysa dareenka iyo doonista shacbiga Jamhuuriyada Somaliland, xasuusan taariikhdii iyo tawstii ummada ka soo martay midawgii hagardaamooyinka iyo haydaarta badnaa ee lagu hungoobay,waxay soo dhawaynaysaa dariiq kasta oo xaqiijinaya gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland.
Wada hadaladii laba geesoodka ahaa ee u dhaxeeyay labada Jamhuuriyadood ee Somaliland iyo Somalia iyo qodobadii ka soo baxay wareegii saddexaad ee wada hadaladaasi oo ka dhacay Dalka Turkiga. Waxaanu u aragnaa garnaqsi dhaba oo xaqiijin kara hanka iyo himilada shacabka Jamhuuriyada Somaliland oo ah lama taabtaan isla markaana aan gor-gortan gali karin.
Warsaxaafadeedku Waxaa kale oo lagu yidhi Waxaan ku ammaanaynaa Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland, Xisbiyada Qaranka iyo Golayaasha Qaranka midnimada iyo milgaha wadaniyadeed ee meeqaamka sare leh ee ay ka muujiyeen arinta wada hadalka labada dawladood ee Jamhuuriyada Somaliland iyo Somalia. Waxaanu si cad oo aan ka leex-leexad lahayn u cadaynaynaa in dhalinyarada Somaliland diyaar u tahay dariiq kasta oo lagu hirgalinayo go’aan wadareedka shacbi-weynaha Jamhuuriyada Somaliland isla markaana u sheegaynaa cidkasta oo ku hamiyaysa hagardaamooyin hadoodilan in aan heelo lagu keenin helista Qarankan ee loo soo maray hawl adag iyo hadimooyin ay ku hoydeen haldoor hodnaa. Go’aan ka gaadhista masiirka mustaqbal ee dalka iyo dadkuna u sugnaatay kaliya Shacbi-weyna Jamhuuriyada Somaliland oo hore ugu suntay “Haa” in ka badan boqolkiiba sagaashan iyo toddobba (97%) in madax-bannaanida iyo gooni – isku taaga Jamhuuriyada Somaliland tahay lama taabtaan aan gor-gortan kali karin.
Guntii iyo Gabagabadii waxaanu ugu baaqaynaa:
1.Beesha caalamka in ay garowshiiyo ka muujiso garnaqsiga iyo xaqa aayo ka tashiga bulsho weynta Jamhuuriyada Somaliland, ogaatana in madaxbannaanida iyo gooni – isku taaga Jamhuuriyada Somaliland yahay lama taabtaan aan gor-gortan kali Karin qiime kasta oo ay ugu kacayso shacbiga Jamhuuriyada Somaliland.
2.Dawlada Somalia iyo shacbigeeda inay iska iloobaan riyadii lagu hungoobay ee midnimada shanta Soomaaliyeed ee gabbalkeedu dhacay, una diyaar garoobaan kuwada noolaanshaha jaarnimo nabdoon oo walaaltinimo iyo iskaashi horumarineed oo ay yeeshaan labada Jamhuuriyadood ee Somaliland iyo Somalia.
3.Xisbiyada Qaranka in aanay siyaasadaynin masiirka umada taageeraana talaabooyinka togan ee Madaxweynaha iyo xukuumadiisu ku dhamaystirayaan go’aanka shacbiga oo ah lama taabtaan.
4.Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo Xukuumada uu hogaamiyo in ay balaadhiyaan shirarka iyo ka tashiga laga yeelanayo marxaladan cusub ee wadahadalada.
5.Shacbi-weynaha Jamhuuriyada Somaliland, gaar ahaan dhalinyarada, inay udiyaar garoobaan dhamaystirka dariiqii dheeraa ee ay usoo mareen gooni isku-taaga Jamahuuriyada Somaliland iyo in dhan looga soo wada jeesto ilaalinta jiritaanka madax-bannaanida Somaliland, lagana fogaado wax kasta oo midnimada iyo wadajirka ummada dhaawacaya.
Hargaysa SDN.
qurbejoog.com