Wariye Ka tirsanaa Radio Muqdisho Oo Galabta Lagu Dilay Magaalada Muqdisho
Muqdisho April 21 2013 (SDN)– Kooxo hubeysan ayaa Allaha Unaxariistee waxa ay galabta ku dileen Magaalada Muqdisho Wariye Max’ed Ibraahim Raage oo Ka tirsanaa Shaqaalaha Raadiyaha Afka Dowladda Ku hadla ee Muqdisho.
Max’ed Ibraahim Raage ayaa xilliga la dilayay ku sugnaa gurigiisa oo kuyaalla degmada Wadajir ee gobolkan Banaadir sida uu xaqiijiyay Bashiir Khaliif Gaani oo ka tirsan Shaqaalaha Raadiyo Muqdisho.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in kooxihii dilka geystay ay goobta ka baxsadeen islamarkaana ay goobta soo gaareen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Wariye Max’ed Ibraahim Raage ayaa ka tirsanaa Shaqaalihii hore uga tagay shaqada Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho markaasi oo ay tiro saxfiyiin ah iscasileen, waxaana uu ahaa midka mid ah Website qorayaasha ugu caansan Soomaaliya.
Waa Wariyihii 4aad ee ka tirsan Raadiyaha dowladda Soomaaliya ee lagu dillo Muqdisho tan iyo markii dib loo howgaliyay.
SDN-Muqdisho