|

Dowladda Talyaaniga Oo Gaadiid Gudoonsiisay Maamul Goboleedka Puntland

Garoowe April 21 2013 (SDN)— Dowladda Talyaaniga ayaa maanta (Axad) ugu deeqday booliska Puntland 15 gaari oo lagu taageerayo dadaallada lagu xoojinayo ammaanka Puntland.

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa munaasabad ka dhacday xarunta warbaahinta Puntland ee Garoowe ka guddoomay saraakiil ka socday dowladda Talyaaniga deeqda gaadiidka ah.

Gaadiidka ayaa la sheegay in lagu rakibi doono qalab isgaarsiineed oo la shaqeyn doona saldhigyo boolis oo Talyaaniga uu ka dhisay magaalooyinka waa-weyn ee Puntland.

Munaasabadda wareejinta gaadiidka waxaa kaloo ka qeyb-galay madaxweyne ku xigeenka Puntland, Cabdisamad Cali Shire, wasiirro, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Faroole ayaa uga mahadceliyay dowladda Talyaaniga taageerada ay la garab taagan tahay maamulka Puntland, isagoo ku ammaanay inay mashaariic ballaaran ka hirgelisay deegaanno ka tirsan maamulkiisa.

Faroole ayaa sheegay in Talyaaniga uu ka qeyb-qaatay dhismaha iyo qalabeynta xarunta warbaahinta Puntland, isla markaana uu ka qeyb-qaadan doono dhismaha garoomada diyaaradaha ee Garoowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso oo lagu wado in dhowaan la billaabo.

Dhinaca kale waxaa maanta si rasmi ah loo furay raadiyo ku hadli doona afka maamulka Puntland oo laga hirgeliyay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka.

SDN-Garoowe  

Comments are closed