|

Duqa Caasimada Hargaysa oo Kulan la qaatay Shirkadaha Dhismaha ee Gaarka loo leeyahay iyo Arrimaha ay ka wada hadleen

Hargaysa 21.April  (SDN)    Maayirka Caasimadda Hargeysa Mud, C/raxmaan Maxamuud Caydiid, ayaa maanta kulan kula yeesheen  Xafiiskiisa  Shirkadaha dhismaha ee gaarka loo leeyahay, kuwaasi oo uu kala had-lay sidii ay  ay kaalintooda uga qayb qaadan lahaayeen horuumarinta  Bilicda  Caasimadda.

Maayirka  caasimadda Mud,C/raxmaan, oo masuuliyiinta shirkadaha dhismaha ee kulanka ka soo qayb galay  halkaasi kula hadlay ayaa waxa uu sheegay, in shirkadaha dhismaha  looga baahan yahay asidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dedaalka  loogu jiro sidii bicilda  caasimaddawax looga qaban lahaa . Isla markaasina ay kaalintooda  uga qaadan lahaayeen Ololaha Nadaafadda  ee todobaadkiiba maalinta khamiista laga fuliyo Magaalada.

Waxa  kale oo isna  kulankaa ka hadlay Eng,Cawil Cali Xuseeb Madaxa     hawkl-gelinta ee shirkadda dar-yeel, waxaanuu sheegay  in shirkad ahaan ay diyaar u yihiin  in Gaadiid-koodu  uu ka hawl-geli doono  Ololaha nadaafadda ee khamiista kasta Laga fuliyo Caasimadda Hargeysa.

Geb-gebadii waxa maayirku u soo jeediyey dadka  dhag-xaanta Gur-yaha hor-tooda dhigaaya ee ku soo cidhiidhiyaya Jidadka inay  dhag-xantaasi kan  qaadaan, waxaanuu  xusay in hadii ay ka qaadi waayaan ay  dawladdu la wareegi doonto.

Hargaysa SDN.

qurbejoog.com

 

 

Comments are closed