|

Kalfadhigii 21aad ee Golaha Wakiilada Somaliland oo Furmay iyo Qodobada Ajandahooda

Hargaysa 21.April  (SDN)   Fadhigii Maanta ee Golaha wakiiladda Jamhuuriyada soomaliland, oo uu shir-gudoominayey  Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Mud.Baashe Maxamed Faarax, ayaa mudanayaasha loogu qaybiyey  Ajandaha kalfadhiga kow iyo labaatanaad ee  Golaha si ay uga soo baaraan degaan .

Ajandaha  kal-fadhiga  kow iyo labaatan ee Golaha wakiiladda  ayaa waxa uu  oo ka kooban  yahay   Lix qodob,  oo kala ah:-

1-     War-bixinta shir-gudoonka,Guddiga joogtada ah iyo Guddiyada Golaha wakiilada.

2-     Mashaariicda sharci ee Golaha hor-yaala kuwaasi oo   ah: Xeerka Booliska, Wax-kabedelka xeerka Qareenada,

Xeerka Maamuuska M/weynaha iyo Ku/xigeenkiisa

Xeerka Ganacsiga Howlaha Baanka, Xisaab-xidhka Dawladda,2010-2011 iyo xeerka Statistics.

3-U yeedhista masuul;iyiinta Qaranka,

4-Abnsixinta Masuuliyiinta Qaranka

5-Xeerka ka soo noqda Golaha       Guurtida iyo

6- wixii kale ee soo kordha.

Waxaanay mudanayaashu ka soo baaraa-degi doonaan  qodobada  uu   ajanduhu ka kooban yahay, si  ka dib uu goluhu u guda galo  ansixinta  ajandaha  kal-fadhigooda kow iyo labaatanaad.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed