|

Maraykanka Oo dhaqaalo ugu dheeqay Mucaaradka Syria

Istanbul April 21 2013 (SDN)– Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ay dhaqaalo gaaraya $123m ay ugu deeqday Kooxaha Mucaaradka Syria ee dagaalka kala soo horjeeda Madaxweynaha dalkaasi Bishar Al Assad.

Maraykanka ayaa deeqdan lacageed kaga dhawaqaay kulan wadamada saaxiibada la ah Syria ay ku yeesheen Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Mucaaradka Syria ayaa dalbaday in la siiyo hub ay kula dagaalmaan Bishar Al Assad laakiin dowladdaha Aduunyada ayaa diiday waxaana ay sheegeen in ay tuhmayaan in Kooxahan ay ku jiraan kooxo xiriir la leh Al Qaacidda.

SDN-IstanbulĀ 

Comments are closed