Ninkii Qarxiyay Tartankii Boston iyo dadkii ku dhaawacmay oo Cisbitaal la wada dhigay
Boston April 21,2013(SDN)-Nin ka mida ragii qaraxyada Boston lagu eedeeyay oo ay ciidamada amnigu qabteen kiyoo dhaawac ah ayaa haatan la dhigay cisbitaal ku yaal magaladaas oo ay yaalaan dadkii tirada badnaa ee qaraxyada ku dhaawacmay.
Dzhokar Tsarnaev oo 19 jir ah iyo walaalkii oo ku dhintay rasas ay is weydaarsadeen policeka ayaa lagu eedeeyay qaraxyadii Isniintii ka dhacay Boston.
Dzhokar Tsarnaev oo qudhiisu ku dhaawacmay rasaas ay isweydaarsadeen policeka ayaa haatan xaaladiisu halis tahay.
FBIda oo ka warantay xaalada caafimaad ee eedeysanahan ayaa sheegtay in uu dhaawac kaga yaalo dhuunta oo aaney suurtogal aheyn in la wareysto oo uu ka jaawaabo suaalo dhawr ah oo muhiimadooda leh.
Si kastaba ha ahaatee waxaad moodaa in wareysi lala yeesho eedeysanuhu in aanu suurtogal aheyn mustaqbalka dhaw.
SDN-Boston
contact