|

Kulan aad uu balaadhan arimo badan laga tashanayey oo uu iskugu yeedhay guddomiyaha guud ee ardayda Sland ee wax ka barata Dalka ugandha +SAWIRO

(KampalaSDN) Kulan baladhan oo guddomiyaha dalada kulmisa ardayda jamhuriyadda somaliland ee wax ka barata,dalka uganda uu isku yeedhay kulan kan oo ahaa kulan aad maamuss sareeya, loo soo habeyey yaa waxa uu ka dhacay hoolka shiraraka ee jamacada kampala international university .

Hadabo kulankan ayaa guddomiye SALEEBAN ABDI XUSEIN iyo xubnaha axcutive ahaa ee ka kala socda dhamaan jamacadaha kala gadisan ee ay waxbarshada ka wadan ,ayaa waxaa uu daarna in marka hore ay mihiim tahaya in laysku yimaado si loo kala war qaato ka arday ahaan iyo hogaan ahaanba ,sida uu guddomiyhu ka cadeyey isaga iyo xubnaha hogaanka guud dalada ardayda somaliland ee marka magaceeda la soo gabiyo la yidha (usolsa).

Dhanka kale waxaa uu gudomiyaha ururka ardayda reer somaliland isla goobta ka soo jeediyey arimo ay dhawaanahanba wadeen oo haa register student kaas ka danbeyey in marka hore tiro sugan laga soo saaro dhamaaan inta ay tahay numberka ardayda waxbarashada kala gadisan ka dhigata jamacadaha dalka ugandha ,waayo buu yidhi malinba malinta ka danbeysa ardayda reer somaliland waa soo kordhaysa mana jiro waxa record ah oo laga hayo ama hore looga sameyey ,waxaynu ka warqabna inay tahay ardayda reer somaliland waxbarashad ka wada dalkani inay yihiin ilaa 400 ilaa wixi ka sareeya ,lakiin waxaanu sugi doona record dhaba oo aanu gudi uu saarnay daraasad ka soo samaysa dhamaan jamacada kala gadisan ee ay wax ka bartan ardayda somaliland.

Dhanka kale waxa uu guddomiyuhu sheegay inay iyana ku jiraan uu diyaar garowga maalinta qiimaha weyn inagu leh ee qaranimadda somaliland iyana uu bahaan inaan si weyn ugu diyaar garowno gacmahana is qabsano,waxaany inooga baahn tahay inaan waxwalo ay nooga bahan tahay sidi hore laynooga bartay iyo si ka sii weyn uga wada shaqayno hadan howsheedi waa inoo bilaamaysa ama wey socotaaba,waxayna aan ka yeelanayna siyaasad cad oo mugweyn sanadkan waxay ka dhacysa meel kaliya oo ay iskugu iman doonan dhamaan dhinacyada ay khusayso haday thay arday iyo jaliyadba ,waxa laynooga bahn yahay inaan kor uu qaadno oo ilaalino isku xidhnaanta dhaman mushtamaca somaliland ee ku dhaqan dalkan ugandha hadafkeenu uu mid yahay midkaasina waa midnimo iyo wada jir iyo iskaashi .

Kulanakan ayaa waxa lagaga dhawaaqay xubnaha samayndoona daraasada iyo kuur galida ardayda jamhuuriyadda somalialnd magacyadoodna dhamaystiran waan idn soo gudbin doona

Kulankan ayaa waxa uu ku dhmaaday jawi farxadi ku dheehan tahay waxaan la bilaabay dardar galinta howlaha dhow iyo kuwa fog waxaan loo balamay kulamo kale ,waxaan halka kulanka ardayda iyo hogaanka guud ee ardayda reer somaliland isku arkeen hadalo waano iyo u diyaar garowga maalinta qaaliga ah 18 may da ka soo jeediyey aqoonyhn badan oo ka kala socda jamacadaha kala duwan ee ay wax ka bartaan ardayda somaliland .

Dhanka kale gudomiyaha ardayda reer somaliland waxa uu balan qaaday isaga iyo xubnaha hogaanka guud ee daladda ardaydu sheegen inay waxyaabo badan faiido uu leh ardayda ay gudo gali doonaan ,malinta qaranka ee 18 mayna ay si weyn uga shaqayn doonan dhankooda sanadkan meel qudha ay ka dhici doonto ,meel kaliyana layskugu iman doono .

Waxa kale oo dhici jirtay ayuu guddomiyhu sheegay inay barigi hore 18 may malinta qaranka jamhuriyadda somaliland dhowr goobod lagu kala qaban jirtay lakn sanadkan ay ka duwaan doonto meel kaliya la iskugu iman doono ,wada shaqayn fiican dhex mari doonto haldoorka ardayda iyo jaliyadda somaliland .

Waxaanu hadalkiisa ku soo afmeeray gudomiye saleeban abdi xusein waxaan inoo balan ah guul iyo gobonimo iyo wada jir badhaadhe ictiraaf insh alaah .

Wabilaahi towfiiq

+256791661106

khadarbitijoor@hotmail.com

SDnews

Ugandha /Office 

Comments are closed