|

“Uma Dulqaadan doono In Qof ka mid ah Bulshada oo Dhiig daadiyay uu noqdo Geesi Reer ka dhashay,Waxaa Mabnuuc ah Qof Shicib ah oo Qori Sita {DHAGAYSO Wasiir Duur iyo Raygal}

Caynabo 20.April (SDN) Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur iyo Weftigii uu Hogaaminaayay ee Socdaalka ku Wajahan Xal u helida Dablay todobaadkii hore Weerar ku soo qaaday Xabsiga Magaalada Caynabo ayaa Kulan labaad oo ay maanta la yeesheen Odayaasha ay ka soo Jeedaan ragii falkaas gaystay Waxa uu si rasmi ah ugu dhawaaqay inay Mabnuuc tahay qof Shicib ah oo Qori sita in lagu arko Magaalada Caynabo.

Wasiirka oo ay Weheliyaan Wasiirka Ciyaaraha Mudane Cali Siciid Raygal iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa Kulankan ay Duqayda kala duwan la yeesheen Waxay Ku dheeraadeen Sida ay daruuriga u tahay in Gacanta Xukuumada la soo geliyo dablaydii Weerarka gaysatay.

Wasiirka arrimaha Gudaha ayaa Sheegay inaanay u dulqaadanayayn in qof ka mid ah Bulshada oo dhiig daadiyay uu noqdo geesi reer ka dhashay,taas oo uu Xusay inay laf jab ku tahay qaranimada Somaliland Mudane Duur wuxuu amar ku siiyay Ciidamada qaybahooda kala duwan inay talaabo ka qaadaan Qofkii Shicib ah ee la arko isagoo qori sita.

Waxaa kale oo Madashaasi ka hadlay Qaar ka mid ah Duqayda ay ka soo Jeedaan ragii falkii Khasaaraha Sababay ka gaystay Xabsiga Magaalada Caynabo oo balan qaaday inay u hawl galayaan in gacanta Xukuumada la soo geliyo eedaysanayaasha loo tirinayo inay dhacdadaas ka mas’uulka ahaayeen.

Falka ay dablaydaasi ku Weerareen Jeelka Magaalada Caynabo ayaa Waxaa ku naf Waayay Taliyihii Sirdoonka ee Gobolka Saraar Marxuun Axmed Caydiid Bootaan waxaa kale oo uu dhaawac ka soo Gaadhay Taliye ku Xigeenkii Xabsiga Caynabo iyo Mid ka mid ah Askartii Ilaalada ka ahayd.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Caynaboduur1.mp3″]

 

 

Caynabo SDN.

qurbeejoog.com

 

Comments are closed