|

Ra’iisul wasaaraha oo maanta hortagaya barlamanka kadib markii loo yeeray

Muqdisho April 20 2013 (SDN)— Sida uu qorshaha yahay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta lagu wadaa in uu hortago barlamanka Soomaaliya oo looga yeeray.

Ujeedka ujeedka Ra’iisul wasaaraha looga yeeray barlamanka ayaa la sheegay inay tahay in wax laga weydiiyo waxqabadka xukuumadiisa iyo dhaliila ay leedahay.

Warar aan kasoo xiganay Xildhibaano ka tirsan barlamanka ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha wax laga weydiin doono dhaliil badan oo loo hayo oo ay ka mid tahay amaanka shaqada qaar ka mid ah wasaaradaha oo la dhaliilsan iyo heshiiyada Xukuumadiisa ay gashay.

Xildhibaanada ayaa kusii socda Xarunta barlamanka Soomaaliya ee Golaha shacabka, iyadoo xildhibaanada ay maanta ka badan yihiin tiradii hore.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee barlamanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa ka sheegay kulankii u dambeeyay ee barlamanka in xukuumadda 20-ka bishaan oo maanta ku beegan ay horimaaneyso barlamanka.

SDN-Muqdisho

Comments are closed