Madaxweynaha Cusub ee Fanisweela Nicolas Maduro Oo La Dhaariyay
Caracas April 20 2013 (SDN)– Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee dalka Venezuelan Nicolas Maduro ayaa si Rasmi ah loogu dhaariyay Xilka Madaxtino ee dalkaasi kaga daal markii uu ku guuleystay Doorashadii ka dhacday Venezuelan.
Mr Maduro ayaa la wareegi doona xilkii uu baneeyay Madaxweynii la jeclaa ee geeriyooday Hugo Chavez kaasi oo qaranka Venezuelan soo hogaaminayay muddo 14-sano ah.
Nicolas Maduro ayaa ka sheegay qudbadii uu ka jeedinayay Xafalada Dhaarinta in uu ka soo horjeesan doono wax kasta oo Qatar galinaya Amaanka Venezuelan, waxaana uu xusay in uu Raaci doono Wadadii uu wadan ku soo hogaaminayay Mr Chavez.
Si Kastaba Dhaarinta Madaxweyne Maduro ayaa ku soo aadeysa xilli dalkaasi ay ka dhacayaan Rabshado ay dhigayaan Taageerayaasha hogaamiyaha Mucaaradka Henrique Capriles kaasi oo sheegay in doorashada La Musuqmaasuqay.
SDN-Caracas