Madaxweyne Axmed Siilaanyo:Hadda markii aan la kulmay Raysal-wasaaraha Ingiriiska David Cameron, runtii waxay jeclaayeen sidaa si ka duwan. Laakiin, waxaannu u sheegnay in aanu shirkaasi na khusayn
London April 20,2013(SDN)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa caawa mar kale ku celiyay in aaney Somaliland ka qeyb geli doonin Shirka Soomaaliya ee London lagu qabanayo bisha ina soo aadan ee May.
Madaxweynaha oo la hadlayay jaaliyadaha reer Somaliland ee ku nool dalka Britain ayaa hadaladiisii shirka ku saabsanaa waxa ka mid ahaa;
“Waxaad ogaydeen inaannu shirka Turkigiga ka qaybgalnay sidii halkan hadda laga sheegayay, waxaannu u wadahadalnay dawladda Soomaaliya sidi laba dal oo siman. Halkan Ingiriiska markaannu nimi waxaannu la kulannay Masuuliyiinta dawladda Ingiriiska, Annagoo horena ugula soo kulannay dalka Itoobiya, mawqifkayagii waxba iskamay beddelin.
Hadda markii aan la kulmay Raysal-wasaaraha Ingiriiska David Cameron, runtii waxay jeclaayeen sidaa si ka duwan. Laakiin, waxaannu u sheegnay in aanu shirkaasi na khusayn, maaddaama oo aannaan ka mid ahayn Soomaaliya, xaasid kuma nihin wixii u qabsoomaya ma diiddanin. Laakiin, annaga nama khuseeyo shirkaasi.
In kasta oo macaawinooyin badan iyo xidhiidh fiicani naga dhaxeeyo dawladda Ingiriiska, haddana mawqifkayaga ugama leexanayno. Meel kasta oo aannu tagno shirkasta oo aannu ka qaybgalno, waxaad nagu ogaataan in aannu ku dheggenahay qaddiyadda Somaliland, idinkana tageeradiinna waannu u baahannahay.”
Hadalka Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa imanaya iyada oo ay dawlada Britain aqbashay qodobo ay wefdiga madaxweynuhu ku xidheen ka qeybgalka Shirka Soomaaliya ee May.
SDN-London
contact@somalidiasporanews.com