Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Kulan la yeeshay Cuqaasha iyo Odayaasha ay ka soo Jeedaan dablaydii Weerartay Xabsiga Caynabo iyo Wixii ay isku afgarteen {DHAGAYSO}
Caynabo 19.April (SDN) Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur oo uu Weheliyo Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Cali Siciid Raygal iyo Xildhibaano ka Tirsan Golayaasha Qaranka oo ku sugan Magaalada Caynabo ayaa maanta Kulan la qaatay Odayaasha ay ka soo jeedaan dablaydii Hubaysnayd ee Weerarka ku qaaday Jeelka Magaalada Caynabo.
Kulankan oo ahaa Mid ay Saxaafadu dibada ka joogtay ayaa markii uu dhamaaday waxa uu Wasiirka Arrimaha Guduhu Warfidiyeenada u sheegay inay isku afgarteen Wada hadal dheer kadib inay beesha loo tirinayo falkaasi ay ka garaabaan isla markaana Garawshiiyo ka bixiyaan dhacdadii foosha Xumayd ee lagu weeraray Jeelka magaalada Caynabo.
Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur waxa uu Xusay inay isla qaateen labadooda dhinac sidii ay gacanta dawlada u soo gelin lahaayeen dadkii gaystay falkii sababay dhimashada iyo dhaawaca ee loo gaystay jeelka magaalada caynabo,Wasiirku waxaa kale oo uu hadalkiisa ku sheegay inay u qoondeeyeen Gudi Sodon Xubnood ka Kooban oo hawshaas la gali doona Odayada kana tirsan hay’adaha Amniga.
Wasiirka Arrimaha Guduhu Waxa uu hoosta ka xariiqay in dhacdadii lagu weeraray Jeelka Magaalada Caynabo iyo hawlgaladii kala duwanaa ee Sahaminta Shiidaalku inaanay wax Xidhiidh ah lahayn .
Geesta kale qaar ka mid ah Odayaashii Kulankaas ka qayb qaatay ayaa cadeeyay sida ay uga Xun yihiin falkii lagu Weeraray Xabsiga Caynabo waxaanay balan qaadeen inay dadaal xoogan u geli doonaan sidii ay Xukuumada ugu soo Gacan Gelin lahaayeen dablayda beesha ay duqaydani ka tirsan yihiin ka soo Jeeda.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland iyo Weftigiisa ayaa lagu wada inay maalmaha soo socda ku sugnaadaan Magaalada Caynabo ee Xarunta Gobolka Saraar.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Caynabo.mp3″]
Caynabo SDN.
Qurbejoog.com