|

Unkankii Dimuquraadiyada iyo Doorashooyinka Xorta ah ee Somaliland ka Hirgalay 2002-2012 Barnaamij Taariikheed {DHAGAYSO}

Hargaysa 19.April {SDN} In ku Dhow laba iyo Labaatan Sanno oo ay Somaliland Jirtay Waxay Samaysay Isbedelo door ah Waa Qaran raad baradkiisu ka bilaabmay Hanaan Beeleed isla markaana ku tanaaday,Waxay Somaliland talaabo Wanaagsan u qaaday Ka Midho dhalinta Habka Axsaabta Badan iyo doorashooyinka Xorta ah ee ku Dhisan qof iyo Codkii,Dariiqaas oo ay haysay Mudo haatan gaadhaysa Toban Sanno iyo Siiyaal,Waxaa ka Qabsoomay Shan Doorasho oo laba Ka mid ahi ahaayeen Kuwo Madaxweyne,Laba Gole Deegaan iyo Mid Golaha Sharci Dejinta amase Wakiilada .

Waxaan Barnaamijkan ku lafo Guri doonaa Sidii uu Nidaamka Dimuquraadiga ahi uga Hirgalay Somaliland isagoo albaabada u Xidhay Habkii Axdi Qarameedka ee dalka lagu hagayay  Mudo Toban Sanno ah,Caqabadihii ka hor yimid,Waxyaabihii ugu Mudnaa ee la isku qabtay iyo Guud ahaan Hanaanka Geedi Socodka Dimuquraadiyada Somaliland,Waa Barnaamij ay Shabakada Qurbejoog.com ugu talo gashay inay Akhristayaasheeda ugu soo bandhigto si ay uga  Helaan Taariikh dhinacyo badan leh .

Waxaa Barnaamijkan Soo diyaariyay Yuusuf Maxamed Ismaaciil waxaana la soo Jeedinaya Weriye Siciid Maasin Axmed Cawaale ee Dhagaysi haboon.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/DIMUQURAADIYADA.mp3″]
Hargaysa SDN.

qurbejoog.com

Comments are closed