Faah Faahin: Qarax qasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Garisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya
Gaarissa April 19 2013 (SDN)— Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar gaadmo ah oo kooxo hubeysan ay habeennimadii xalay ku qaadeen maqaaxi ku taala magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Waxaana lagu soo waramayaa in ku dhawaad lix ruux ay geeriyootay lix kalana uu dhaawac kasoo gaaray weerarkaasi, oo dhacay xili dadkani ay ka casheynayeen maqaaxida, ayadoona la sheegayo dhamaan dadka wax yeeladu ay soo gaartay in ay ahaayeen dad shacab ah.
Dadka dhaawacmay ayaa waxaa la dhigay Isbital ku yaala magaalada Gaarisa oo uu weerarka ka dhacay imikana dhaawacooda lagu dabiibayo.
Weerarka kadib ayaa ciidamada booliska magaalada Gaarisa waxa ay sameeyeen howlgalo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyey weerarkii xalay ka dhacay magaaladaasi, ayadoona la sheegayo in howlgalka ay ciidamada sameeyen lagu soo qabqabtay dad lala xiriirinayo weerarkaasi.
Saraakiisha booliska ee magaalada Gaarisa ayaanan weli faah faahin ka bixin weerarkii dhacay iyo in ay dad u soo qabteen, mana jirto cid ilaa iyo imika sheegatay weerarkaasi sababay dhimashada iyo dhaawaca.
SDN-Gaarisa