Kormeerkii Labaad oo Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Ku marayo Xeebaha Galbeed ee Gobolkaas
Berbera 19.April (SDN)Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi oo ay Weheliyaan Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Cali Xoor Xoor iyo laba iyo Toban ka mid Isu duwayaasha Wasaaradaha ka hawl gala Gobolka Saaxil ayaa kor meer Shaqo ku maraya Xeebta Galbeed ee Gobolka Saaxil.
Sida uu ku Soo Waramayo Weriyaha Solna ee Gobolkaas C.salaan Xariir Sh.Cismaan Weftigan uu horkacayo Gudoomiyaha Gobolka Saaxil waxa Safarkoodani salka ku hayaa Xog Ogaal u noqoshada Xaalada dadka iyo duunyada ku dhaqan Jiidaha ay soo mareen wax ka qabashada Adeegyada aasaasiga ah.
Weftigu waxaay Kormeerkoodan ku soo Mareen Deegaamada Bula xaar,Geeri,Gargaarka, iyo Boodaale.
Iyagoo ka dhagaystay baahiyaha Wax ka qabashada u baahan ee dadka deegaankaasi u baahan yihiin una soo bandhigeen waxa uu Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Maxamud Cilmi iyo Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Cali Xoor Xoor ay balan qaadeen inay intii awoodooda ah ee Suurto gal ah ay wax ka qaban doonaan baahiyaha bullshada Deegaamadaasi u soo bandhigtay gaar ahaan waxyaabaha Aasaasiga ah.
Socdaalkan ayaa noqonaya kii labaad ee Gudoomiyaha Gobolka Saaxil iyo Mas’uuliyiin kale oo wehelinaysaa ay Ku tagaan Deegaamo ka tirsan Xeebta Galbeed ee Gobolka Saaxil,Iyagoo maalmihii tagay Socdaal ku soo maray Jiido ka mid ah Xeebta bari ee Gobolka Saaxil.
Berbera SDN.
Qurbejoog.com