Xukuumada Soomaaliya Oo Safiir Cusub u Magacawday Dalka Ingiriiska
Muqdisho April 18 2013 (SDN)— Kulan ay Maanta Isugu yimadeen Golaha wasiirada Ee Xukumada Somalia Islamarkaan Uu shir gudoominaayay R/wasaaraha Somalia Cabdi Faarax shirdoon Saacid Ayaa lagu soo hadal qaaday Arimo badan Oo ku aadan Xaalada Dalka.
Markii Usoo gaba gaboobay kulanka ayaa waxaa Saxaafada la hadlay wasiir ku xigeen wasaarada warfaafinta Ibraahim isaaq yaroow Oo sheegay In kulankii maanta kadib Xukumada Somalia ay saxiixday Xeerka ka hortaga Iyo la Dagaalanka Arga gaxisada.
Waxa Uu sidoo kale sheegay In la magacaabay safiirka Somalia U fariisan doona Dalka Ingiriiska kaas Oo uu sheegay in loo Magacaabay C/laahi Max’ed Cali Sanbaloolshe Oo horay Xilal Uga soo qabtay Dowladihii KMG Oo ay kamid ahyed In Uu mar noqday Wasirkii Amniga Xukumada Cumar Cabdi Rashiid .
Kulankii maanta ayaa ahaa mid ka duwan kuwii hore Ee ay isugu Imaan Jireen Golaha wasiirada Madaama ay kusoo hadal qadeen Arimo badan,Waxaana tani ay Imaaneysaa Xili Dhawaan Dowlada Mareykanka ay Aqoonsatay Dowlada Somalia.
SDN-Muqdisho