|

Beesha Caalamka Oo ku baaqday in la ciribtiro Burcad Badeeda Soomaalida

Nairobi April 18 2013 (SDN)—Iyadoo weeraradii ay qaadi jireen Burcad badeeda Soomaalida sanadihii ugu danbeeyay hoos u dhaceen,ayaa hadana Beesha caalamka waxay sheegayaan in gabi ahaanba la ciribtirayo Kooxaha Burcad badeeda oo u muuqda mid kamid ah caqabadaha ugu weyn ee ka jira Soomaaliya.

Wadamada Beesha caalamka ayaa ku baaqay in dowlada Soomaaliya oo haatan wajaheysa caqabadooyin badan laga gacan siiyo sidii mar kale ay u hanan laheyd xaalada Nabadgalyo ee xeebaha Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin ciidamo shisheeye,islamarkaana Soomaalida ay ku kala aragti duwan yihiin sababaha badda ay u joogaan.

“Dowlada waa bilow oo waxa horyaala dhibaatooyin badan,marka waxaan dooneynaa inaan Soomaaliya inkastoo baahi badan ay qabto hadana burcad badeeda aan kala dagaalano.”ayaa lagu warbixin beesha caalamka ay soo saareen.

Waxaana dowlada Soomaaliya oo ka hadashay hoos u dhaca burcad badeeda Soomaalida u sababeysa in dadaal ay u galeen sidii loo wacyi gilin lahaa burcad badeeda Soomaalida.

Comments are closed