|

FBIda Mareykanka oo baadigoobeysa labo ruux oo lagu thmay Qaraxyadii Boston

Boston April 18,2013(SDN)-Ciidamada FBIda ee dalka Marekanka ee baaraya qaraxyadii ruxay goobtii tartanka Maratoonka ee magaalada Boston ayaa shaaciyay in ay haatan baadi goobayaan cidii ka danbeysay qaraxyadaasi.

Waxa haatan ay FBIda baaritaano weyn ku wadaa muuqaalo laga soo ururiyay goobihii qaraxyadu ka dheceen.

Inkasta oo shalay ay warbaahinta mareykanku shalay mar shaacisay in la qabtay ruux looga shakiyay in uu ka mid ahaa dadkii qalxaha qarxa dhigay goobtii qaraxyadu ka dheceen,hadana taa waa la beeniyay markii danbe.

Waxase haatn la shaaciyay in FBIdu ay haatan ku daba jirto laba ruux oo muuqaalkooda la hayo.

Labadan ruux ayaan weli magacooda iyo muuqaalkooda midna la shaacin ilaa iyo iminka.

Ciidamada FBIda ayaa tiroba dhawr jeer dib u dhigay balamo ay kula hadli lahaayeen warbaahinta.

Waxa ilaa iyo haatan la ogyahay uun in disti nooca waxlagu karsado oo koronto lagu isticmaalo in loo isticmaalay qaraxyada.

SDN-Boston

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed