|

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo u Kicitimay Caynabo iyo Madaxweyne ku xigeenka oo digniin adag u diray Kooxihii dablayda ahaa ee soo weerartay Xabsiga Caynabo

Hargaysa 17.April (SDN)  Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur iyo Xubno Weheliya ayaa Galabta Socdaal ugu Kicitimay Magaalada Caynabo ee Xarunta Gobolka Saraar,kadib markii ay Shalay Koox Dablay ahi ay Weerar ku Soo qaadeen Xabsiga Magaalada Caynabo isla markaana uu halkaasi ka dhacay Khasaare keenay Dhimashada Taliyihii Sirdoonka ee Gobolkaasi,iyadoo uu dhaawacyana ay ka soo gaadheen Taliye ku Xigeenkii Xabsiga Caynabo iyo Mid ka Mid ah Ilaaladii Xabsigaasi.

Sidoo kale Waxay Kooxdan dablayda ahi la Fakadeen laba Maxbuus oo Ciidamada Amaanku u soo qabteen arrimo ku taxaluqa Oodashada dhul daaqeenka Xoolaha,Sida ay Xukuumadu Sheegtay Waxaa Gacanta lagu dhigay 16 ka mid ah dablaydii soo Weerartay Xabsiga Caynabo oo ay u soo Gurmadeen Ciidamada SPU oo degen duleedka Magaalada Caynabo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur iyo Xubnahan ku Wehelinaya Kormeerkiisan ayaa caawa ku sugan Magaalada Burco iyadoo lagu wado inay Subaxnimada beri gaadhaan Magaalada Caynabo si ay u furdaamiyaan Xaalada adag ee ka dhalatay dilka Taliyaha iyo dhaawacyada Saraakiisha kale ee ka tirsan Ciidamada waxaa kale oo warku intaa ku darayaa in Weftigu mudada ay Gobolka Saraar ku sugan yihiin inay ka Garnaqaan Murano in mudo ah soo jiitamayay oo ka dhashay Sahamin Dhinaca Shiidaalka ah oo deegaano ka tirsan Gobolkaas laga wado.

Geesta Kale Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Saylici ayaa daboolka ka qaaday in Xukuumadu Talaabo adag oo Sharciga dalka waafaqsan ka qaadi doonto Cidii ka danbaysay Weerarkii lagu soo qaaday Xabsiga Caynabo oo uu ku tilmaamay mid meel ka dhac ku ah Sumcada Somaliland.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed