|

“Maanta ma Taalo in la Yidhaa Way Goosanayaan iyo Ma Goosanayaan”,Aragtidii General Maxamed Faarax Caydiid ee ku dhawaaqida Madax banaanid Somaliland (DHAGAYSO)

Hargaysa 17.April (SDN) Siyaasiyiinta Dawlada Somalia ayaa Siyaabo kala duwan uga hadla Aragtidooda ku aadan Gooni isu taaga Somaliland ee lagu dhawaaqay 18kii bishii may 1991kii,Qaarkood waxay aaminsan yihiin in Midowgii labada dal dhex maray bishii July ee Sannadkii 1960kii uu yahay Mid Sharci ah oo Muqadas ah,iyagoon ka garaabin Wixii Ummada Somaliland ka soo gaadhay Dawladnimadoodii ay u Loogeen Jibadii Midnimada Shanta Somaliyeed .

Sidoo kale Waxaa Jira Siyaasiyiin ka soo Jeeda Somalia oo Aaminsan in Shacabka Somaliland ay Dhibaato aanay Mahadin ku Mutaysteen La Midowga Somalia isla markaana ay ka dhaxleen Waxyaabo aanay Gayin Sida Burbur Hantiyeed,Khasaare Nafeed iyo Rafaad tiro badan iyagoo.

Alle ha u naxariistee General Maxamed Faarax oo ahaa Hogaamiyihii Jabhadii USC,isla markaana Mar loo doortay Madaxweyne Somalia ee dawladii  lagu soo dhisay Shirkii Soodare ee Wadanka Itoobiya,Generaalku Waxa uu horaantii Sagaashamaadkii  Cadeeyay inuu Shacabka Ku Nool Somaliland ay Talisyadii kala duwanaa ee Soo maray Hogaaminta Wadankii Somalia ay kala kulmeen dhibaato,isagoo intaas ku daray in Tacadiyadaasi ay ka mid Yihiin sababaha ku dhaliyay inay Goostaan oo ku dhawaaqaan Somaliland .

Maxamed Faarax Caydiid waxa uu hoosta ka xariiqay Wakhti dheer oo ku Siman labaatan sanno  ka hor inaanay oolin in la Yidhaahdo Way Goosanayaan iyo Ma Goosanayaan.

Halkan ka dhagayso.

[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/GEN.CAYDIID.mp3″]

Hargaysa SDN.

qurbejoog.com

Comments are closed