|

Gudoomiyaha Hay’ada Neerad oo ka hadlay Dhul gariir Gil gilay Magaalada Boorama

Hargaysa 17.April (SDN)  Gudoomiyaha Hay’adda ka hortaga Aafooyinka dabiiciga ah  NERAD Dr. Maxamed Muuse Cawaale,ayaa sheegay in dhul gariirkii todobaad-kan laga dareemay magaala madaxda Gobolka Awdal ee Boorame uu ahaa mid heerkiisu hooseeyo.

Gudoomiyaha  oo War-baahintu wax ka weydiisay dhul-gariirkaas ayaa sheegay, in dhul-gariirkaas oo xilli habeenimo ah laga dareemay magaalada Boorame uu heerkiisu ahaa qiyaas ahaan 4.  Derajo heerka cabirka dhul-gariirka  ee Regter-ka.kaas oo lagu tilmaamo mid sah-lan.

Gudoomiyuhu waxauu intaa raaciyey,in saddexdii sanadood ee u danbeeyey uu dhul-gariirka noocan ahi  ku soo noq-noqonayey  magaalada Boorame.kaasi oo aan wax  wax-yeelo ah aan gaysan.

Magaalada Boorame ayaa Dhul gariirada Noocan oo kale ahi ay la noqdeen Daris kuwaas oo Sannad Walba soo noqnoqda,Inkastoo Khasaaraha uu Gaystaa yahay Mid Kooban.

Hargaysa SDN.

qurbejoog.com

Comments are closed