Xawaalada Dahabshiil Minneapolis oo heshiis kula gashay U.S. Bank in ay lacagaha ka qabato
Minneapolis April 17,2013(SDN)-Bangi ku yaal Mareykanka ayaa aqbalay in Soomaalida Magaalada Minneapolis ku nooli ay lacago u diraan eheladooda dalkii ku nool ka dib kolkii US Bank uu ogolaaday in uu lacagaha qabto Xawaalada Dhahabshiil.
Sidaa waxa shaaca ka qaaday urur u dooda ganacsatada oo la yidhaahdo Minnesotans for a Fair Economy.
Sidoo kalena waxa xaqiijisay heshiiskan haweeney u hadashay U.S. Bank oo iyana la yidhaahdo Teri Charest oo sheegtay in Bangigu uu ilaa sanadii hore ka shaqeynayay sidii ay Soomaalidu Dalkoodii hooyo lacagaha mar kale ugu diri lahaayeen.
Waxa haatan laga joogaa Mudo 16 bilooda intii ay Soomaalida Minneapolis baadi goobayeen Baank lacagaha ugu dira Soomaaliya.
“Maanta waa maalin farxadeed oo aan ganacsigeyga uun aan ku koobneyn ee Bulshada ayaa qudheeda wada faraxsan”sidaa waxa yiri madaxa Dahabshiil ee Minneapolis Maxamed Nuur.
“Waxaan doonayaa in aan uga mahadceliyo U.S. Bank sii wadida wadahadalka ilaa sanadkii ina dhaafay iyo qaadida tilaabadan muhiimka ah maanta reer Minnesota iyo qoysaskooduba waxa ay dhawrayaan sidii dib loogu furi lahaa dhabihii nolol maalmeedka” ayuu Maxamed yiri mar kale.
Talaabadan uu Qaaday U.S. Bank ayaa ay Soomaalidu si weyn u soo dhaweysay ka dib 16 bilood oo aan la heyn Baank lacagaha ka qabta Xawaaladaha Soomaalida ee Gobolkan.
SDN-Minneapolis
contact@somalidiasporanews.com