Soomaaliya oo 22-sano kaddib ka qeybgaleysa Shirka Hay’adda Lacagta Aduunka IMF
Muqdisho April 17 2013 (SDN)– Muddo 22-sano kadib Soomaaliya ayaa ka qeybalaysa shirka Hay’adda lacagta aduunka ee IMF oo dhawaan ku dhawaaqday inay aqoonsantahay Dowladda Soomaaliya.
Maxamed Rashiid ayaa sheegay in shirkaasi oo furmaya maalinta bari ah uu Soomaaliya uga qeyb galayo wasiirka Maaliyada, waxaana uu xusay in ajandahooda uu yahay sidii ay u codsan lahaayeen in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay daruufaha jira awgeed.
Maxamed Rashiid Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in ahmiyad weyn ay u leedahay in Soomaaliya inay mar kale ka mid noqoto hay’adda lacagta aduunka taasi oo uu tilmaamay inay sahleyso xiriirka kala dhaxeeya Caalamka.
Shirka IMF oo furmi doono 18-ka bishaan oo ah maalinta beri ah ayaa ka dhacaya magaalada Washington ee dalka Mareykanka waxaa lasoo gabagabeynayaa sida uu qorshuhu yahay 20-ka bisha.