|

Dhulgariir Ruxay degaanada dhaca Xadka Iran iyo Bakistan

Khash April 17,2013(SDN)-Dhulgariir kii ugu weynaa ee mudo 50 sanadooda soo mara Iran ayaa ruxay dalkas iyo guud ahaan qaarada Asia.

Dhulgariirkan oo lagu cabiray 7.8 qiyaasta cabirka dhulgariirada ayaa ruxay magaalada Khash ee dhacda xadka dalkaasi la wadaago Bakistaan.

Warbaahinta dalka Iran oo hoos u dhigeysay waxyeelada ka dhalatay dhulgariirka ayaa shaacisay uun in 30 ruux ay ku waxyeeloobeen.

Halka Bakistaan ay tirada horudhaca ee la shaaciyay ay tibaaxeyso in ilaa 30 ruux ay ku qudh waayeen dhulgariirkan.

Ciidanka dalka Bakistaan ayaa durbaba halkaa gaaray oo gacan siinaya dadka waxyeeladu ka soo gaadhay dhulgariirka.

Dhulgariirkan ayaa sababay in caasimadaha dalalka Hindiya,Bakistaan iyo qaar ka mida dalalka Khaliijka in dadku ka yaacaan daaraha dhaadheer,

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki Moon ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay gacan siiyaan dadka ku waxyeeloobay Dhulgariirka,waa hadii laga codsado.

Sidoo kale Mareykanka ayaa qudhooda sheegay in ay diyaar u yihiin in ay caawiyaan dadka waxyeeladu soo gaadhay.

SDN-Khash

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed