Madaxweynaha Puntland oo Somaliland ku eedeeyay in ay Hubeeyaan Al Shabaab
Garoowe April 16,2013(SDN)-Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Faroole ayaa ku celiyay eed uu ugu soo jeedinayo Somaliland in ay gacan siiso kooxda Al Shabaab.
Cabdiraxmaan Faroole ayaa khudbad uu dhawaan jeediyay waxa uu ku sheegay in dawlada Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay hubeyneyso kooxda Shabaabka ka tirsan ee ka dagaalama buuraleyda Galgala.
“Somaliland waxa ay fududeeyaan dariiq hubka, saanada iyo wax kasta oo ay u baahanyihiin loo marsiiyo kooxda Shabaab ee ku sugan gobalka Bari gaar ahaan Buuraha Galgalo, Intaas oo dhan waxa ay u sameynayaan in fowdadu kasii socoto maamulkeenna halka uu ka taliyo”ayuu yiri madaxweynaha Puntland.
Dawlada Somaliland ayaan ilaa iyo haatan ka jaawaabin eedahan soo noqnoqdey e ka imanaya madaxweynaha maamaul goboleedka Puntland.
SDN-Garoowe
contact@somalidiasporanews.com